Somaliland iyo Itoobiya oo shir ku yeeshay Waddan kamida Yurub

Magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway waxa toddobaadkan ku qabsoomay Kulan muhiim ah Oo dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay sii xoojinta Xidhiidhka iyo danaha labada waddan.

Kulankan ayaa dhexmaray Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan iyo Safiirka Ethiopia Dowladda Federaalka Ethiopia u fadhiya Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo safar shaqo ku jooga dalka Norway oo aanay Ethiopia wax safaarad ah ku lahayn marka laga reebo Qunsuliyad qaabilsan Isu-socodka labada waddan iyo adeegyada muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool Norway.

Safiirka Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan ayaa qoraal mahad-naq iyo bogaadin isugu jira Kaga hadlay ujeeddada kulanka iyo arrimaha ay ka wada-hadleen Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo uu xusay inay wada-qaateen kulan midho-dhal ah.

“Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa kulanka midha-dhalka ah ee aan Oslo kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Mehreteab Mulugeta,” sidaas ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway, waxaanu intaas ku daray inay isweydaarsadeen afkaar iyo aragtiyo midho-dhal ah oo qayb laxaad leh ka qaadan kara xidhiidhka labada waddan. “Waxaan ku kalsoonahay inay natiijo wanaagsan oo wax-ku-ool ahi ka soo bixi doonto wadashaqeynteena,” ayuu yidhi Danjire Maxamed Maxamuud Aadan.

Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway waxa uu dhiggiisa dalka Ethiopia ku bogaadiyey in muddadii kulanku socday uu muujiyey sida ay go’an tahay sii xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya labada waddan, waxaanu u ballan-qaaday inay si dhow uga wada-shaqayn doonaan xoojinta Xidhiidhka iyo ilaalnta danaha labada waddan.

Kulanka dhexmaray labadan dublomaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya, iyadoo Xukuumadda Muqdisho toddobaadkan dalkeeda ka caydhisay safiirkii Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya.