Soomaaliya Beentii way soo Afjareen oo Dastuur ay iyagu leeyihiin ayay samaysteen oo si sharciya u Aqoonsanaya Somaliland”W. Cali Mareexaan

“Haddii aad isa sii siiso Doorashada inaad Guulaysanayso, Markaad Madaxa dhulka ku Dhufataad Aqbali kari Waayaysaa”

“Burco Doorashooyinka way sugayeen oo halkii ay u badnaan jireen ayey iska mari doonaan haddii ALLE ka dhigo” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa(GNA)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay fahantay xaqiiqda oo ay samaysteen dastuur dalkooda u gaar ah oo aan khusayn Somaliland.

Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay sida ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu heellan tahay qabsoomida doorashooyinka iyo socdaal uu dhawaan ku tagay Burco.

“Soomaaliya waa dawlad aynu jaar nahay dastuurka innaga (Somaliland) inama khuseeyo oo iyagaa samaystay. Dhawr iyo soddonkii sannadood ee aynu kala madax-bannaanayna dastuur iyo sharci toona innagama dhexayn. 1960kii markii aynu midownay dastuur innagamuu dhexayn oo kii loo codeeyay 1961kii Somaliland way diiday ee iyaga uun baa iska watay. Dastuurkana waa shaqo u taalla oo ay iyagu samaysteen,”ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku dooday in Soomaaliya ay soo afjartay beentoodii ay ku sheegan jireen inuu dastuurku qabyo u yahay Somaliland, waxaanu yidhi “Beryihii hore marka ay hadlayaan Soomaaliya waxa ay odhan jireen ‘Somaliland baa la sugayaa oo dastuurku waa qabyo’ imika waxaad moodaa inay beentaas soo afjareen oo dastuur ay iyagu leeyihiin uun samaysteen oo uu si sharciya u aqoonsanayo dastuurkoodani Somaliland. markaa Soomaaliya ayuu dastuurkaasi u yaallaa haddii ay isku khilaafayaan iyo haddii kaleba.”

Waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur maray afti dadweyne oo 97 Boqolkiiba muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ogolaadeen.

Wasiirku wuxuu ku celiyay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

“Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE hore way u sheegeen doorashada, nidaamkeediinna way wadaan oo xataa dhaqaalaheedii waa la diyaariyay. Waxa u dambeeyay madaxweynuhu wuu gudbiyay xubintii komishanka ee u dambaysay toddobaadkan, markaa waxa aynu isku diyaarinaynaa doorasho wanaagsan oo sidii ay inoogu qabsoomi jirtay iyo si ka sii wacan inoogu dhacda,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo u warramayay Telefishanka SAHAN, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi “mucaaridka oo dhan ma aha ee xisbiga WADDANI tartanka waxa ay ku yara darayeen hanjabaad. Markaa taas ayaa keentay in aanu nidhaahno waa la tartamayaaye u sii diyaar garooba ‘dhicis iyo guul labadaba’ haddii aad isa sii siiso inaad guulaysanayso, markaad madaxa dhulka ku dhufataad aqbali kari waayaysaa oo waad dayoobaysaa.”

“Marka doorashadu soo dhawaato waa la kaftamaa oo hadalka ayaa la isku tuurtuuraa, markaa waxa la yidhi dagaal hortiina lama faano dabadiina lama calaacalo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Cali Mareexaan oo la weydiiyay waxyaabaha uu ku soo arkay magaalada Burco oo uu dhawaan ka soo laabtay, waxa uu yidhi “Burco way dhismaysay oo way qurux badnayd, horumar badan oo ay sugayeen oo ay ka hadlayeen oo ay xaq u lahaayeen inay ka hadlaanna wuu jiray, doorashooyinka way sugayeen oo halkii ay u badnaan jireen ayey iska mari doonaan haddii ALLE ka dhigo.”