Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis Kale oo Weyn

TAIPEI(GNA)- Machadka difaaca qaranka iyo daraasadaha amniga Taiwan (INDSR), ayaa heshiis isfaham la gaadhay Machadka daraasaadka nabadda iyo khilaafaadka jaamacadda Hargeysa (IPCS),taasi oo ah iskaashigii u horreeyay ee dhinaca daraasadaha ammaanka ee Taiwan ay la yeelato Geeska Afrika, sidaasna waxa baahisay warbaahinta Taiwan.

Guddoomiye ku-xigeenka machadka difaaca Taiwan, Shen Ming-shih iyo Agaasimaha machadka daraasaadka nabada iyo khilaafaadka jaamacada Hargeysa, Naasir M. Cali, ayaa isfahamkaas ku kala saxeexday shir ay ku yeesheen habka muuqaal araga, Waxana kulankaas goob joog ka ahaa ku-xigeenka Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Wu Chen-chi, cilmi baadheyaal iyo aqoonyahanno kale oo ka tirsan Machadka IPCS.

Agaasimaha machadka daraasaadka nabadda iyo khilaafaadka jaamacada Hargeysa, Naasir M. Cali, ayaa isfahamkan ku tilmaamay tallaabo weyn oo muujinaysa iskaashiga Somaliland iyo Taiwan. “Waxay labada dhinac wadajir u samayn doonaan daraasado, warbixinno, socdaalo iyo inay wadajir u agaasimaan shirar caalamiya iyo dhaqdhaqaaqyo aqooneed,”ayuu yidhi Naasir M. Cali.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in labada dal ay ku yaallaan bogcado istaraataji ah oo ay door muhiim ah kaga qaadan karaan nabada iyo xasiloonida mandaqadaha ay kula yaallaan. Waxaanu tilmaamay inay sii xoojinayaan iskaashiga labada dal ee ku wajahan daraasaadka la xidhiidhka dhinaca difaaca.

Guddoomiye ku-xigeenka machadka difaaca iyo daraasaadka amniga ee Taiwan, Shen Ming-shih, ayaa iftiimiyay in dalkiisa iyo Somaliland ay wajahayaan isbeddello waaweyn oo goboleed iyo kuwo caalami ah. “Waxaanu yeellan doonaa mustaqbalka isdhexgal la xidhiidha daraasadaha iyo war is dhaafsiga amniga iyo xasiloonida,”ayuu yidhi Mr.Shen Ming-shih.

Xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashi siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, ayaa si joogto ah u soo xoogaysanaya tan iyo 2020kii oo uu bilaabmay cilaaqaadkooda labada waddan.

Xigasho: Wargeyska Dawan