“Biyaha Hargeysa qaydhiinka lagu qaybsan maayo…” Maareeye Maxamed Cali Darood..

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa ka hadlay fal lagula kacay sarkaal ka shaqaynayey mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa maanta.

War qoraal ah oo uu soo saaray Maareeyuhu ayuu ku faahfaahiyey sida uu falkaasi u dhacay iyo talaabada ay Dawladdu qaaday.

Waxaanu yidhi “Waxa maanta lagu guulaystay sii daynta mid ka mid ah mas’uuliyiinta Shirkadda Chinese-ka ah ee gacanta ku haysa mashruuca biya-galinta magaalada Hargeysa ee uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Germany, oo ku dhawaad muddo maalin ah si ka baxsan xoriyaddiisa iyo sharciga dalkaba loogu hayay xabsi guri, laguna hayay goob ka baxsan goobaha sharciga dalku ogolyahay in qofka lagu hayn karo iyadoo arrinkaa ay ka dambeeyeen kooxo ku midaysan dano dhaqaale, ujeeddadooduna tahay hagar daamaynta rajada biyaha Hargeysa.

Waxa aan u mahad naqayaa Ciidamada Police-ka Dalka iyo Taliye Maxamed Aaden Saqadhi Dabagale oo arrinkaa soo af-meeray.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa wax ay wakiil kaga tahay shacabka Hargeysa iyo Dawladda Somaliland iyo saaxiibada dhinaca horumarinta aan ka-wada shaqayno in mashaariicdan loo hirgaliyo si hufan oo keenta in mashaariicdu gaadhaan ujeeddadii laga lahaa.

Mashruucan oo hadda maraya meel gabagebo ah ma qaadin karo khalkhal galin, hakad kasta oo ku yimaadna waxa uu keeni doonaa dib u dhac aan la aqbali karin.

Waxa aan mar walba kasoo horjeednaa cid kasta oo caqabad ku ah midho-dhalka mashaariicdan biyaha ee muhiimka u ah nolosha bulshada reer Hargeysa.

Biyaha Hargeysi meel macaash laga raadiyo ka wayn.