Booliska Somaliland oo qabtay Eeddaysane la raadinayey

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Khaalid Axmed Koosaar oo ku eedaysan inuu 26-3-2024 ku dilay Magaalada Hargeysa marxuum Nuur Cabdi Ismaaciil waxaanu ku dhuftay Baaskoolad.

Ciidanka Boolisku waxay wadaan baadhitaan dheeraada markay ay dhamaatana waxay degdeg u horgeyn doonaan sharciga eedaysanaha.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxay tacsi u dirayaa ehelka marxuumkaasi Alle naxariistii janno haka waraabiyee.