Xamaas oo hindise cusub ka keentay wada xaajoodka xabbad-joojinta

Ururka Xamaas ayaa hindise xabad-joojin oo dhowr qodob ka kooban u gudbiyey qolyaha dhexdhexaadinta ka dhex wada iyaga iyo Israa’iil, kaas oo ay ku jirto in labada dhinac ay maxaabiis is weydaarsadaan.

Hindisaha Xamaas waxaa ku jira in Israa’iil ay xabsiyada ka sii deyso maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan in ka badan 100 maxbuus, kuwaas oo ku xukuman xabsi daa’im, taas beddelkeedana ay sii deynayaan maxaabiista haweenka, dadka da’da ah iyo carruurta ee ay Israa’iil ka haysataan.

Hindisaha Xamaas oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka Reuters, islamarkana Mareykanka lala wadaagay, ayaa dhigaya in Xamaas diyaar u tahay in ay ugu dambeynta maxaabiista ay hayaan oo dhan ku beddeshaan 700-1000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’ii.

Masar waxa ay doonaysaa in ay xabad joojin ka gaadho Gaza, korna u qaado gargaarka la gaadhsiinayo Marinka, una ogolaato in Falastiiniyiinta ku barokacay koonfurta iyo badhtamaha gobolka ay u guuraan waqooyiga, ayuu yidhi Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi Jimcihii.

“Waxaan ka hadlaynaa in aan xabad joojin ka gaarno Gaza, taasoo macnaheedu yahay xabbad joojin, in la bixiyo gargaarka ugu badan,” ayuu u sheegay akadeemiyada booliiska Masar.

Xamaas waxa ay sheegtay in wada xaajoodka xabad joojinta uu burburay dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay,sababo la xidhiidha diidmada Netanyahu ee dalabaadkooda, oo ay ku jiraan xabbad-joojin joogto ah, ka bixitaanka Israa’iil ee Marinka, dib u soo celinta barokacayaasha koonfurta go’doonsan ee waqooyiga, iyo Kor u qaadida gargaarka iyada oo aan la xaddidin.

Bishii Febraayo, Xamaas waxay heshay soo jeedin qabyo ah oo ka timid wadahadallada xabbad joojinta ee Gaza ee Paris oo ay ku jiraan hakad 40 maalmood ah dhammaan hawlgallada milatari iyo beddelka maxaabiista Falastiiniyiinta ee la haystayaasha Israa’iil.

Israa’iil ayaa diiday bishii Febraayo hindise qabyo ah oo xabbad joojin ah oo ka yimid Xamaas, iyada oo ku sababaysay hadafkeedii dheeraa ee ahaa in aan dagaalka la joojin ilaa ay burburiso kooxda Islaamiga ah ee Gaza maamulaysay tan iyo 2006. Xamaas ayaa ku adkaysanaysa in heshiiska lagu joojiyo dagaalka.

Sida ku cad soo jeedintii ugu dambeysay, Xamaas waxay sheegtay in la isla meel dhigi doono taariikhda xabbad-joojinta joogtada ah ka dib marka bilowga ah ee la is dhaafsado la haystayaal iyo maxaabiis, iyo sidoo kale waqtiga kama dambaysta ah ee ka bixitaanka Israel ee Gaza.

Kooxda ayaa sheegtay in dhammaan maxaabiista labada dhinac la sii deyn doono marxaladda labaad ee qorshaha.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay weerar ay Xamaas hormuudka ka tahay oo lagu qaaday magaalooyinka koonfurta Israa’iil 7-dii Oct, kaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, laguna qafaashay 253 qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

Tan iyo markaas, weerarrada cirka, badda iyo dhulka ee Israa’iil ay ku qaadday Qaza waxa ay ku dishay in ka badan 31,000 oo qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 71,500, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Qaza.

Colaadda ayaa ku fiday qaybo kale oo ka mid ah Bariga Dhexe oo markii horeba kacsanaa. Ururka Xisbullah ee ay Iran taageerto ee Lubnaan ayaa marar badan rasaas isku weydaarsaday Israa’iil xuduudka.

Kooxaha hubaysan ee taabacsan Iran ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa weerar ku qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaasi, halka Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ay weerar ku qaadeen maraakiib marayey badda cas iyo agagaarkeeda, si ay u muujiyaan inay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta dagaalka Gaza.

Iyadoo dagaalka uu hadda socdo bishii lixaad, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ugu yaraan 576,000 oo qof oo ku nool Gaza ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo cadaadis caalami ah oo sii kordhayay Israa’iil si ay u oggolaato helitaanka gargaar dheeraad ah.

Xafiiska Ra’isul Wsaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa khamiistii sheegay in hindisaha Xamaas uu weli ku saleysan dalabaad khiyaali ah, wuxuuna intaas ku daray hindisaha la horgeyn doono golaha dagaalka, dabadeedna dood la gelin doono Jimcaha