Weerar fashilmay oo lagu qaaday Markabka Afduuban

Ilo-wareedyo ku dhow badmaaxiinta afduubka loo haysto ayaa sheegay in markab dagaal oo gurmad ah uu xalay weerar ku qaaday markabkooda oo koox burcad badeed Soomaali ah ku afduubteen xeebaha Soomaaliya.

Markabka dagaalka oo la rumeysan yahay inay leeyihiin ciiddanka badda ee Imaaraadka Carabta ama waddan kale oo Carbeed ayaa doonayey inay xoog ku soo furtaan 23-ka badmaax ee afduubka loogu haysto markabka xamuulka ee MV Abdullah.

Tacshiirad xooggan ayey isweydaarsadeen ciidankii markabka dagaalka la socday iyo burcad badeeda Habeenkii xalay oo Khamiis ahayd, iyadoo markabkii dagaalka ku fashilmay hawlgalkaasi.

Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa la sheegay inay ku hanjabeen inay badmaaxiinta wada dili doonaan, haddii uusan markabka dagaalka ee weerarka kusoo qaaday ka shiraacanin goobtaasi.

Si kastaba, markabkii dagaalka ee weeraray burcad-baddeeda ayaa waxaa lagu khasbay inuu joojiyo weerarka iyo inuu 20 nautical miles ka fogaado goobta uu iska-horimaadku ka dhacay.