Mudaharaad lagu Taageerayo Qadiyadda Somaliland oo ka dhacaya london

“mudaharaadkani waa mid taariikhi ah oo aanu rajjeynayno inuu noqdo kii u dambeeyey ka dhaca iyadoo Somaliland”

London(GNA)Magaalada London waxa la filayaa inuu ka dhaco dibad-bax balaadhan oo lagu taageerayo qadiyadda Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland maalinta Sabtida ee beri.

Mudaharaadkan oo ka qabsoomaya dhismaha Baarlamanka Boqortooyada Ingiriiska hortiisa, ayaa waxa qabanqaabiyey Jaalliyada Somaliland ee dalkaasi.

Isu soo baxan waxa uu daarran yahay laba ujeeddo oo kala ah; in lagu taageero Isfahamka dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Itoobiya iyo in lagu muujiyo Dalabka muwaadiniinta Somaliland ee la xidhiidha doonista Ictiraaf Caalami ah, waxaanu farriin u dirayaa Dawladda Ingiriiska oo loogu baaqayo inay ku biirto dalalka aqoonsanaya Somaliland.

“Halkan fagaaraha West minister waxa ka dhacay mudaharaadyo badan oo ay ku qabteen reer Somaliland, laakiinse mudaharaadkani waa mid taariikhi ah oo aanu rajjeynayno inuu noqdo kii u dambeeyey ka dhaca iyadoo Somaliland bilaa aqoonsi ah”sidaasi waxa yidhi xubin kamida kooxaha abaabulaya mudaharaadkan oo ugu baaqay muwaadiniinta reer Somaliland inay ka qayb-galaan.

Waxa uu intaasi ku daray ” marar badan oo aynu halkan isugu nimi waynu guulaysanay, maantana waynu ku guulaysan inshalah” ayuu raaciyey.

Dibad-baxan waxa la filayaa inay ka qaybgalaan dad badan oo reer Somaliland, kana mid yihiin kooxaha u ololleeya qadiyaddeenu.

Ingiriiska ayaa kamida wadamada sida weyn looga taageero madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka iyo xukuumadda Dalkaasi, ayaa maalmihii u dambeeyey aad u kordhiyey hadal haynta Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xigasho: Wargeyska Dawan