Xildhibaan Eng. Axmed Timo-jilic oo loo doortay guddoomiye guddi-hoosaad G. Wakiillada

Xubnaha cusub ee Guddida Hawlaha guud,Tiknoolajiyda, guryaynta iyo gaadiidka ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u doortay guddoomiye Muddane Eng : Axmed Cabdi Ibraahim {Timo jilic}, waxaanay sidoo kale guddoomiye ku-xigeen u doorteen Mudane :Jamaal Aadan Diiriye.
Guddida oo ka kooban todoba xubnood, ayaa waxa kulankooda ka qaybgalay lix mudane oo iska dhex doortay guddoon-hoosaadkooda.
Mudane Timo-jilic ayaa ah aqoonyahan ku xeel-dheer Inijineeriyada, waxaanu fursad u helay inuu hogaamiyo guddida golihiisa ee hawlaha guud, guriyeynta iyo Jidadka.