Wasiir Buuni: Soomaaliya ayaanay wakhti iskaga lumin Somaliland”

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) ayaa ugu baaqay Soomaaliya in aanay waqti iskaga lumin dagaalka ay kula jiraan Somaliland.
Sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in Somaliland ay ku soo caano maashay nabadelyo iyo xasillooni, taas oo keentay in aanay jirin wax ay dadkeedu ka cabsadaan.
Geesta kale Wasiir Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulkiisu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii aanay Somaliland aqoonsi dunnida uga heli lahayn, iyada oo dadkiisu nabadgelyo daro awgeed ay afarta galabnimo hoydaan.
Wasiir Buuni ayaa sheegay in kursiga Qaramada Midoobay ee ay Soomaaliya ku fadhido ay Somaliland ku qoran tahay, madaama oo ay xornimada ka hor qaadatay, waxaanu madaxda Soomaaliya u soo jeediyay in ay dadkooda iyo dalkooda u shaqeeyaan, isla markaana aanay waqti iskaga lumin dibin daabyada Somaliland ay u maleegayaan waqti walba.
Gaba-gabadii wasiir Buuni waxa uu sheegay in doorashooyinkii la filaayey ay Somaliland ka dhacayaan