Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey Heshiiska Arrimaha Badda

Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ ayaa BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac iskaashigooda.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yidhi wasiir Cali.

Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa.

Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa balse mar BBC-du ay wax ka weydiisay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xidhiidho heshiiskii is afgarad ee ay bilowgii bishii January  ay la galeen Itoobiya ayaanu si cad u sheegin arintaasi.

“ Horta wefdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa ” ayuu yidhi Wasiir Cali.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.