Wefti Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Safar Shaqo Ku Tagay Daad-madheedh

Wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa safar shaqo ku tagay deegaannada Gobolka Daad-madheedh

Weftigan oo ay qayb ka yihiin Agaasimeyaasha Waaxaha Wax soo-saarka Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe, Qorshaynta Cabdiqani Gallaydh iyo Hanti-dhowraha Wasaaradda beeraha, ayaa deegaannada Daad-madheedh u tagay qiimaynta Mashaariic Horumarineed oo Wasaaraddu gacanta ku hayso iyo xog-ururin ku saabsan baahiyaha Beeralayda.

Weftiga Agaasimaha guud oo uu wehelinayo Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Daad-madheedh, ayaa xog-warran la yeeshay waayeelka iyo Beeralayda deegaannada ay mareen, si ay xog-ogaal ugu noqdaan baahiyaha Beeralayda, si taageeradooda iyo horumarintooda loogu daro qorshaha sannadkan cusub ee 2024.