Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo Daahfuray Horyaalka Horyaallada Kubada Cagta Somaliland

Berbera – (GNA)Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay si rasmi ah u daahfuray Horyaalka Horyaallada Kubada Cagta Somaliland, kaas oo markii labaad lagu qabtay magalada Berbera gaar ahaan Garoonka Cabdalla Stadium.

Munaasibadda daahfurka koobkan oo ka dhacday Garoonka Cabdalla Stadium ee magaalada Berbera, waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax, agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha Mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, guddoomiyaha gobolka Saaxil, maayir ku xigeenka degmada Berbera, guddoomiyaha Xidhiidhla Kubadda Cagta Somaliland iyo Wasiiro kale oo ka tirsan xukumada JSL.

Sidoo kale waxa munaasibada daahfurka koobkan ka soo qayb galay wafti ka socday Dawlad Degaanka Soomaalida oo uu hogaaminayo, wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS, Mudane Mahdi Maxamed, Gudoomiyaha Olombikada ee DDS iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta ee DDS.

Madaxweynaha ku xigeenka oo ka hadlay Daahfurka koobkani ayaa sheegay in ciyaaruhu qayb weyn ka qaataan isdhexgalka dhalinyarada, waxaanu xusay in ay sharaf u tahay in uu maanta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka daahfuro koobka horyaalka, horyaalada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku booriyay dhallinyarada in ay ka fogaadaan wixii nac iyo isqabqabsi keenaya, waxaanu soojeediyay in dhallinyarada lagu dhiirigeliyo joogtaynta ciyaaraha sidan oo kale ah.

Waxaanu yidhi.“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta daahfuro koobka horyaalka horyaalada Somaliland, kuna tartamayaan 22 kooxood, ciyaaruhu qiimo weyn ayay ka eg leeyhiin bulshada dhexdeeda, waxay door weyn ka qaataan is dhexgalka bulshada iyo isbarashada dhallinyarada.

Ciyaaruhu waa tartan iyo sharaf, waxaan idinka codsanayna in aanay cadaawad iyo xanaaqadani idinka soo dhexgalin ciyaarta, bulshada reer Berbera ha soo dhaweeyaan, sharaf ayay u tahay in gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Berbera maanta loo xusho ciyaarta koobka horyaalka, horyaalada.

Guud ahaan bulshada reer Somaliland waxa sharaf u ah in ciyaartoydoodii oo ka kala timid gobollada dalka ay maanta ku ciyaarayaan Berbera, waxaanay innaga jeedinaysa hadalada siyaasiga ah ee aan loo baahnayn, waa mihiim in dhallinyarada lagu dhiirigeliyo tartanada ciyaaraha”