Wasiirro ka qaybgalay Bandhig-dhaqameed ay Qabatay Jaamacadda New Generation Faraceeda Somaliland

Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa lagu soo gabagabeeyey xalay tartan dhaqameed ay soo qabanqaabisay Jaamacadda New Generation faraceeda Somaliland, kaasoo loo bixiyey todobaadka Dhaqanka, loona qabtay jileyaal metelayey Ardayda dhigta kulliyadaha kala duwan ee ay Jaamacaddaasi bixiso, kuwaasoo ka koobnaa lix kooxood oo ka kala socday Kulliyada Cilmi bulshada, IT-ga, Ganacsiga, Caafimaadka iyo laba dufcadood oo u tartamay laanta Magaalada Gabiley.

Kediskan oo ay Ardaydu Tartamaysay Suugaanta, Cuntada iyo  Ciyaar-dhaqameedka Soomaalida, ujeeddadiisuna ahayd in lagu kobciyo aqoonta iyo fahamka ay Ardaydu u leedahay Dhaqankooda, sidoo kalena su’aallo  la xidhiidha dhaqanka iyo diinta lagu waydiiyey Ardayda,  ayaa intii uu socday waxa ay kooxuhu ku soo bandhigeen fan iyo suugaan qurux badan oo ka turjumaysa Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida oo ay si heer sare ah u soo agaasimeen.

Farshaxanka fanneed ee ay halkaasi ku shirrabeen waxa kamid ahaa noocyada Ciyaaraha Miyiga ee ku suntan Dhaqanka Soomaalida, Gabayo iyo qayb lagu tartamay cunto waddaniga oo ay Ardaydu ku soo bandhigtay dhuuniga iyo dheriga asalliga ah ee ay Soomaalidu ku dhaadato, taasoo lagu qiimeynayey habka iyo hannaanka loo diyaariyey iyo koox waliba waxa ay madasha la shir timi.

Xubno kamida Hal-abuurka suugaanta iyo xeel-dheerayaasha Dhaqanka ayaa garsoore ka ahaa tartankan, kuwaasoo qiimeynayey Bandhigaasi labadii maalmood ee uu ka socday xarunta Jaamacada ee Hargeysa, iyagoo ugu dambeyna ku dhawaaqay saddexdii Kulliyaddood ee ku guulaystay bandhig-waddareedka dhaqan iyo Su’aallaha kediska ahaa ee la waydiiyey Ardayda.

Munaasibada gabagabada tartankaasi ayaa  waxa ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, maamulka Gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimeyaal ka tirsan laamaha Xukuumadda, maamulka sare ee Jaamacadda New Generation iyo marti-sharaf ka socday qaybaha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Md. Siciid Xasan Habane oo abaal-marinihii lagu kala guulaystay guddoonsiiyey Kulliyaddaha soo baxay, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku sheegay inay tartameyaasha Jaamacaddu soo bandhiggeen xirfad iyo farshaxan dhaqan oo mucjiso ah. Waxa uu ku hambalyeeyey Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Jaamacaddaasi sida qiimaha leh ee ay u wayneeyeen Dhaqanka Dalkeena.

Wasiir Habane oo sidoo kale ah Bare Jaamacaddeed, ayaa tilmaamay in kooxaha tartanka ka qaybgalay ay sameeyeen bandhig dhaqameed ku dhisan farxashan iyo cabqariyad aqoonneed, waxaanu kula dardaarmay maamulka Jaamacadda iyo Ardayda inay sii wadaan deddaalkooda.

Madaxweynaha Jaamacadda New Generation Cabdiwaasac Maxamed Yusuf  oo munaasibadaasi isaguna hadlay ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay sii wadayaan bandhigyada noocan ah ee k saabsan Waddaniyada, Dhaqanka iyo Hiddaha umaddeed. Waxa uu intaas ku daray inay ujeeddadu tahay inay soo-saaraan aqoonyahan ku hubaysan cilmi iyo caaddo-dhaqameed hufan.

Tartankaasi waxa ku guulaystay Kulliyaddaha Caafimaadka, Computer Science-ka iyo Ganacsiga, kuwaasoo madashaasi lagu guddoonsiiyey hadyada loogu talogalay.