Tayada Biyaha Hargeysa oo la baadhayo

Wasiirka wasaaradda Hor-u-marinta Khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kala diray kooxo shaqaale ah oo ka shaqayn doona shaybaadh lagu samaynaayo Biyaha la keeno magaalada Hargeysa.

Shaqaalahan oo ka socda waaxda Shuruucda iyo hubinta tayada biyaha ee wasaaradda Hor-u-marinta khayraadka biyaha Somaliland ayaa baadhitaanadan ka samayn doona goobaha Kantaroolada ah ee laga soo galo caasimadda Hargeysa, iyaga oo hubin doona biyaha ay magaalada keenaan booyadaha soo dhaamiya biyuhu.

Maxamed Xasan Muumin oo ah agaasimaha waaxda shuruucda iyo hubinta tayada biyaha ee wasaaradda biyaha, ayaa sheegay sheegay in shaqaalahani ay baadhi doonaan tayada biyaha ay booyaduhu keenaan magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Hor-u-marinta khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), waxa uu sheegay in dad badan oo ku nool magaalada Hargeysa ay ka cabanayaan biyaha booyaduhu ay keenaan magaalada, isaga oo tilmaamay in la dardar gelin doono xogta caafimaadka biyaha, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara biyahaas, waxaanu intaas ku day in shaqaalaha shaybaadhka biyuhu ay tegi doonaan goobaha laga soo galo caasimadda Hargeysa, isaga oo ka codsaday ciidamada Booliska iyo cid kasta oo ay khusayso in ay la shaqeeyaan shaqaalahan baadhi doona in biyahani ay ku habeen yihiin heerka caafimaad iyo heerka cabitaan ee biyahan.