“Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan” safiirka Ethiopia ee Muqdisho

Danjiraha Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho oo waraysi siiyay wakaaladda wararka dalkiida ee ENA ayaa ka hadlay qodobbo xasaasi ah oo la xidhiidha heshiiskii ay dhawaan wada galeen Itoobiya iyo Soomaalilad.

Ambasaddor Mukhtaar Maxamed Waare, ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay cidda ugu mudan ee laga la xaajoon karayay heshiiska Badda, isaga oo intaas raaciyay in Somaliland ay tahay dal amni ahaan deggan oo leh hannaan dawladeed iyo dhaqaale xasilloon islamarkaan maamulay doorashooyin dimuqraadi ah.

 

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya iyo Somaliland ay ahaayeen laba dal oo kala madax-bannaan ka hor intii aanu dhicin isku darka labada gobol ee ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

“Heshiiska aan la galnay Somaliland ee waa mid xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya. Isma lihi way habboonaan lahayd, haddii heshiiskaas qudhiisa aan la geli lahayn Soomaaliya. Haddii aan Soomaaliya la heshiinno oo aan Somaliland dhul weyddiisanno, nama ay siiseen. Maxaa yeelay, waxa ay isku arkaan dal madax bannaan. Sidaas darteed, waa xaqiiqo jirta oo in la isticmaalo ay tahay.”

 

Safiirka oo waraysigan bixiyay isaga oo ku sugan dalkiisa kaddib markii uu si iskiis ah uga baxay Soomaaliya ayaa ka warbxiyay duruufta uu ku shaqeeyo ee dalka Soomaaliya.

 

“Kal hore xilligan oo kale, ayaa la ii magacaabay danjire buuxa iyo ergay gaar aha oo Itoobiya u fadhiya Muqdisho. Soomaaliya dadka shacabka ah waa wanaagsan yihiin, laakiin xaaladda amnigu waa mid aad u dhib badan. Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma aha meel sidii aad doonto aad u dhaqdhaqaaqi karto. Ma socon kartid ilaalo la’aan. Waxaad ku soconaysaa gaadhi aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo. Laakiin Ilaahay ayaa mahad leh. Weli dhibaato ima haleelin, in aanay i haleelinna waan rajaynayaa. Waa se waajib qaran oo dalkaaga u hurtay, haddii ay dhib ku soo gaadho. Geesiyaasheennu maalin walba nabadgaluyada Soomaaliaya ayay u dhimanayaan. Aniga naftayduna qaranka kama weyna. Dhibaato kastana diyaar ayaan u ahay.”

 

Ugu dambayn, Ambassador Mukhtaar Maxamed Waare ayaa heshiiska isafgaradka ah ee ay kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland iyo raysalwsaaraha Itoobiya waxa uu ku sifeeyay mid taariikhi ah oo mudan in la taageero. Waxaana uu geesta kale ugu baaqay shacabka Soomaalida in laga fogaado waxyaabaha keenaya nacaybshaha dadka walaalaha ah.

Xigasho: Gallaydh Media