Reysalwasaaraha Uk oo wax laga waydiiyey Aqoonsiga Somaliland

London(GNn)-Xildhibaan Alexander Stafford ayaa fadhi uu yeeshay Golaha Baarlamaanka UK lagu weydiiyay Raysal-wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak su’aal la xidhiidhay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Alexander Stafford oo ah Mudane ka tirsan xisbiga Conservative-ka, ayaa weydiiyay Raysal-wasaaraha in Ingiriisku ku biiri doono inuu Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan, iyadoo ay dhawaan isfaham kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo muhiim u ah nabadgelyada iyo horumarka mandaqada Geeska Afrika, isla markaana Itoobiya ay aqoonsanayso Somaliland.

Raysal-wasaaraha UK, Rishi Sunak, oo ka jawaabayey su’aasha xildhibaan Alexander Stafford ee ku wajahnayd ictiraafka Somaliland, wuxuu yidhi “Wasaaradda Arrimaha dibedda Ingiriisku waxa si joogto ah mabaa’dii’deeda ay ku hawlan tahay ka mid ah sidii Afrika looga dhigi lahaa mid xasiloon oo barwaaqo ah. Waxaanu sii wadi doonaa wada hadallada cid kasta oo nala xaqiijinaysa qorshahaas.”

Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Ingiriiska ayaa leh iskaashi soo jireen ah, iyadoo UK ahayd dalkii xornimada siiyay Somaliland 26kii June 1960kii.

Sidoo kale 33kii sannadood ee ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, Ingiriisku wuxuu ahaa qaadhaan-bixiyaha u weyn ee Somaliland ka saacida dhinaca horumarinta iyo nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland.