Booliska oo ka hadlay Nin Xabbad Madaxa iskaga Dhuftay

Hargeysa – (GNA)Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay Abbaaro 10kii habeenimo ka hawlgalay nin dhaawaca oo madaxa xabbadi kaga taalay magaciisu yahay Siciid Ciise Siciid Ina Faadumo , taasi oo lagu soo wargeliyay Ciidanka.

Waxaana Ciidamada gaadhsiiyeen markiiba Hospitalka weyn ee Magaalada Hargaysa , markii halkaa la geeyayna wax uu sheegay ina Xabbadu isagu isku dhuftay oo aanay cid ku dhufan , waxaana laga helay gaadhigii uu watay oo ahaa Land-cruiser Baaskooladii.

Taliska Ciidanka Boolisku baadhid dheeraada oo uu sameeyay wax uu ogaaday inaan ninkaasi cid xabbadu ku dhufan isagu isku dhuftay.

Waxaanan alle uga baryaynaa caafimaad sareecana.

Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ku wargelinayaa inay ka taxadaraan wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafiyo.