Itoobiya oo difaacday heshiiska dhex maray Somaliland

Dowladda Itoobiya ayaa si adag u difaacday heshiiskii is afgarad ee ay qallinka ku wada duugeen Madaxweyne Biixi iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed.

Heshiiskan is-afgarad waxaa udub dhexaad u ah in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20km oo xeebta badda cas ah mudo 50 sanno ah halka taas badalkeeda ay Itoobiya u fidinayso Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi dublamaasiyadeed, sida uu sheegay madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Cabdi.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Itoobiya ayaa maanta soo qaban qaabisay kulan xog-waraysi ah oo ku saabsan saxeexa Is-afgaradka Iskaashi ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas waxaa ka qayb galay madaxda safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa kulankaas ka sheegay in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland uu u gogol-xaadhayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Waxaa kale oo uu inaas ku daray in Itoobiya ay door muhiim ah ku yeelan doonto nabadda iyo amniga gobolka si ay u xaqiijiso badbaadadeeda.

Wasiirka Cadaaladda Itoobiya Dr. Gedion Temothewos ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan aanu ku wajahnayn oo keliya helitaanka badda ama dekedda balse waxaa ku lamaan ayuu yidhi in iskaashi ballaadhan ay labada dhinac ka yeeshaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tignoolajiyada, beeraha, iyo dalxiiska.

Sidoo kale, waxaa is-afgaradkaas labada hogaamiye difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoonsi ka hesho Itoobiya.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.