Kulanka Madaxweyneyaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ka degay Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Dalka Jabuuti, iyadoo ay siday diyaarad gaar ah oo ay Dawladda Jabbuuti u soo dirtay, waxa halkaa ku qaaabiley kuna soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.
Madaxweynaha iyo waftigiiisa waxa loo galbiyey Qasri loogu talo-galey madaxweynayaasha caalamka ee dalka Jabuuti soo booqda, qaddar nasasho ah ka dibna, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa salaan ugu yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo labada madaxweyne halkaas ku qaatay waqti kooban.
Intaa kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Kulankaa saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli socdaan.
kulankii u dambeeyey ee Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa qabsoomay sanadkii 2019-kii, markaasoo laysku mari waayey waxyaabihii laga wada hadlayey.