Hargeysa : Xaafadda State House-ka Gubashadii 15-aad iyo Qoysaska ku Guryo-beeley ee Hoy la’aanta ah

Xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin bulsho aad u fara badan, isla markaana isdulsaara ayaa la daris noqotay gubashada dabka, inkasta oo khasaaraha dhimashada dabka ka dhashay uu ku yaraa, kuna dhinteen qof weyn oo dumara iyo gabadh yar oo dababkii u horeeyay ku dhintay.
Xaafadda State House-ku waxay gubatay sida masuuliyiinta Xaafaddu sheegeen in kabadan 15 goor, markastana waxa ka dhalanayay khasaare hantiyeed oo soo gaadhayay qoysas kala duwan oo guryahoodu ku shufbeeleen wax hantiyana kala bixin.
Dabkii ugu danbeeyay oo saameeyay guryaha 7 qoys oo danyara waxna aanay uga danbayn ayaa ka dhacay toddobaadkii hore xilli habeenimo goor danbe ah, waxaana ku shuf belay guryaha toddoba qoys kuwaas oo wax hantiyi aanay badbaadin.
Masuuliyiinta Xaafadda iyo qoysaska dabku dibedyaalka ka dhigey oo ka hadlay masiibadaasi ayaa xukuumadda, ganacsatada, hay’addaha iyo cidkasta oo taakulo la soo gaadhi karta ka codsaday in dadkaasi loo soo gurmado dibadyaalka ku ah halkii guryahoodu ku shufbeeleen.
Hooyo Xabiiba Cismaan Maxamuud, oo qiiraysan kana mid ah dadkii ku guryabeelay masiibada dabkii ugu danbeeyay ee toddobada qoys saameysay ayaa codsatay in laga raro xaafadda isku raranta ah ee dariska la noqotay gubashada dabka, waxaaney xukuumadda ka codsatay in loo soo saaro Kaadhadhkeedii Muwaadinka iyo codbixiyaha iyada oo aan ka hadal hantideedii kale ee ay ku wayday gubashada dabka ee ay dibedyaalka ka tahay.