Wefti ka socda Xisbiga ANC koonfur Afrika oo booqday Berbera

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi ayaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku soo dhaweeyay, weftigii Koonfur Afrika ka socday ee maalmihii u danbeeyay ku sugna gudaha dalka Somaliland.
Weftiga ANC ee ka socday Koonfur Afrika ayaa kormeer indho indhayna ku soo maray dekadda weyn ee magaalada Berbera, waxaana ku soo dhaweeyay maareeyaha dekaddaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdillaahi, isla markaana warbixin ka siiyay qaabka ay u shaqayso dekaddu iyo adeegyada ay siiso bulshada iyo dalalka jaarka.
Safiirka Somaliland u jooga dalka Koonfur Afrika ayaa maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo Maareeyaha dekaddaha Somaliland uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen waftiga.
Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xubno ka mida xisbigii dhaliyay gobanimada Koonfur Afrika ay Somaliland soo booqdaan, isla markaana ay booqasho ku tagaan goobaha mihiimka ah ganacsiga iyo dhaqaalaha JSL, ee Berberi ka mid tahay.