Hay’adda Sirdoonka oo Eedeysaneyaal Qabatay, Bulshadana Fariin u Dirtay

-Hay’adda ugu sarreysa amniga dalka ee Sirdoonka (SLNIA) oo gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyey taageeridda kooxaha huwanta ee Laascaanood ka dagaalama, ayaa sidoo kale bulshada u diray fariin muhiim ah.

Qoraal hay’addu ku baahisay barteed Twitter ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaysa laamaha nabadgelyada ayaa degmada Oog ku qabateen Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim.

Qoraalka hay’adda sirdoonka ayaa lagu sheegay in Saddexdan nin ay xogaha amniga siin jireen kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama Laascaanood.

Dhinaca kale, hay’adda sirdoonka ayaa bulshada ku wargeliyey in wixii khatar ah ee ay arkaan la soo socodsiiyaan laamaha Amniga, iyagoo kala soo xidhiidhaya lambarka telefoon ee ☎️ 9000 Telesom ama Somtel.