Dawladda Ingiriiska oo Sheegtay in Jidka Berbera Corridor kor u Qaadi Doono Horumarka Somaliland iyo Itoobiya

Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in dhaqaalaha iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadan doonto waddada Berbera Corridoor ee isku xidha Dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale ee xadka labada dal.taasi oo xilligan dhismaheedu gabogabo yahay.

Agaasimaha horumarinta u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Damon Bristow oo isaga iyo sarkaal kale oo ka tirsan Xafiiska UK ee Itoobiya, ay booqdeen dekedda Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, ayaa shaaciyay in maalgelinta jidkaas halbowlaha ahi uu kobcin doono dhaqaalaha fursadaha shaqo abuurka iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan baabuur ay wateen ku mareen jidka Berbera Corridoor oo dawladda Ingiriisku door ku lahayd maalgelintiisa. Waxaanu xusay inay soo indho indheeyeen fursadaha iyo caqabadaha ku gadaaman waddadaas.

Damon Bristow wuxuu intaas ku daray in ay booqdeen bogcada soohdinta Wajaale ee u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya, oo uu tilmaamay in jidkaasi kor u qaaday isku socodka labada dal.