Xuska maalinta dadka la nool cudurka AIDs-ka

Maanta oo ay ku beegnayd 1-da December waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS, oo ah maalin lagu xusuusto dadka dhibaatada uu ku hayo xannuunkan, iyo sidoo kalena la isku dhiirrigeliyo la-dagaalankiisa.
Xuska maalinta AIDS-ka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, Xuskan ayaa sannadkan halku dhig looga dhigay “Bulshadu ha hoggaamiso 1-da December.”.
Xuska loo sameeyay maalintan waxa ka soo qayb galay wasiiro, wasiir ku xigeeno, agaasimayaal guud, masuuliyiinta koomishanka xakameynta xannuunka HIV/AIDS iyo ururada haweenka iyo dadka la nool xannuunkani.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in qofkasta oo qaba xannuunka HIV/AIDS ay dawadiisu bilaash tahay.
Gaba-gabadii masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay Xuska maalinta AIDS-ka, ayaa soojeediyay in aan la takoorin bulshada la nool xannuunka, korna loo qaado mooralkooda, bulshadana lagu baraarujiyo xannuunkan iyo sidii looga hortagilahaa.
Gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa sidoo kale lagu qabtay munaasibado lagu xusayo Maalinta HIV/AIDS, laguna dhiirigelinayo dadka la nool xannuunkani.