Somaliland oo ka digtay cawaaqibka ka dhalanaya xayiraad ka qaadista hubka Soomaaliya ee QM ansixisay

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu deedafeeyay cuna qabtaynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska war qabadka wakaaladda wararka ee soln ayaa u dhignaa sidan;
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992).
Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.
Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka.
Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cuna qabtaynt hubkuna waxa ay sii hurin kartaa kooxahan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo inay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira.
Soomaaliya si cad umay samaysan nidaam habboon uu lagula socdo hubka isla markaana lagu kormeero ama siyaasadaha maamulka hubka. Tani waxa ay kor u qaadaysaa wererka weyn ee ku saabsan in hubka loo leexyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo uga sii daraysa xasilloonida gobolka. Loollanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid suurtagal ah, marka la qaado cuna qabtaynta hubka. Taasoo shaki la’aan mija xaabin karta xasilloonida iyo degganaanshaha gobolka sidoo kalena abuuraysa jawi hubka tartan loogu jiro.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka.