Maamulka Togdheer oo ka hadlay amniga iyo adeeggyada madaarka Burco

Guddoomiyaha gobolka T6ogdheer, taliyaha ciidanka booliska gobolka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa soo kormeeray garoonka Diyaaraha ee magaalada Burco, kadib markii laga faafiyay warar aan sal iyo raadtoona lahayn, iyagoo masuuliyiintaas u kuurgalaayey howlaha shaqo ka socota garoonka iyo sida uu ugu adeego bulsho weynta Somaliland.
Maamulaha Madarka Magaladda Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa sheegay in Garoonka diyaaraduhu uu yahay mid ay kawada hawlgali karaan dhammaan diyaaradaha dalalka aynu jaarka nahay kuwa caalamkuba, waxaanu dadweynaha Somaliland u cadeeyey in madaarku sidiisii u shaqeynaayo, iyadoo afar iyo labaatanka sacadoodna uu furan yahay shaqadiisa iyo howlaha uu Bulshada u hayaaba si wacan xiligan u socdaan.
Sidoo kale waxa uu Maamulaha Garoonka Diyaaraduhu meesha ka saaray wararka lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxaanu xusay in diyaarad kasoo kicitinta dalka Kenya ay wakhti kasta iman karto, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland amniga madaarada Dalka xil gaar ah iska saartey oo madaradda wadanku yihiin kuga ugu amaanka badan Geeska Africa.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer, Gaashaanle Sare Cali, ayaa sheegay in aanay jirin cid xilligan looga baqo abniga Garoonka Diyaaradaha ee Burco.
Gaba-gabadii guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo ayaa sheegay in Madarku yahay mid amaan ah, oo aaney jirin cid is hortaagi karta howlaha madarkaas ka socda.