Dawladda Hoose oo Olole Nadaafadeed ka Fulisay Caasimada Hargeysa

Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa olole nadaafadeed ka sameysay gudaha caasimada dalka ee Hargeysa.
Ololahan nadaafadeed oo uu hoggaaminayay Maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa Mudane Khadar Axmed Cumar ayaa ahaa olole nadaafadeed kaasi oo ay ka fuliyeen shan goobood oo waa weyn.
Goobaha Maayer ku xigeenka iyo shaqaalaha dowladda hoose hoose oo is garabsanaya ay ka sameeyeen ololaha nadaafadeed ayaa kala ahaa, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, dooxa weyn ee Hargeysa, Baliga Xaafada Daami, Dhaamka Jigjiga yar iyo goobo kale.
Ololahan nadaafadeed ayaa lagu nadiifiyaa dhammaan Qashinka goobaha muhiimka yaala, kaasi oo laga dhigo goob lagu nasan karo ama indho qabatin leh, si looga fogaado xannuunada laga dhaxlo nadaafad darada.
Ololahan nadaafadeed ayaa Dawlada hoose iyo shaqaalaheedu waxa ay magaaladda ka fuliyaan bil kasta todobaadka u danbeeyay maalinka Khamiista ah, kaasi oo ujeedadiisu tahay in la helo magaalo nadiifa ah oo caafimaadka u wanaagsan.