Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta oo u jeediyey Culimada iyo shacbiga tallo la xidhiidha khudbada Jimcaha

Hargeysa(GNA)-Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan, ayaa culimada Masaajidada, gaar ahaan khidaabta u jeediyey inay khudbada Jimcaha kaga hadlaan nimcada iyo naxariista ay leedahay nabad-gelyada Dalkeenu haysto iyo dadka lagu waaniyo inay ku shugri naqaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in shacbiga lagu baraarujiyo qiimaha nabad-gelyada iyo sida ay Diinteena suubbani u kor yeeshay, waxaanu intaasi raaciyey inay doorkaasi qaataan culimadu, maadaama ay hayaan masuuliyadda culus wacyigelinta diiniga ah.

Waxaanu yidhi : “Waxa aan Cod-sanaya dhamaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo intii kale ee aynu gaadhsiin karo in Khudbadaha Jimcaha soo-socda  ahaato mid aynu Ilaahay ugu Shukri naqayno nimcada iyo Xoriyadda Diinta ee Ilaahay Ina siiyey in ALLE inoo Siyaadiyo kuna Ducaysano in Amniga ilaahay inoo waariyo”ayuu yidhi Wasiirka oo khudbad ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa.

Farriinta wasiirka ayaa daarnayd in aad loogu shugri naqo oo alle lagu mahadiyo amniga, nimcooyinka kale ee uu inna siiyey, isla markaana aad loo badiyo ducada alle lagu waydiisanayo inuu inoo siyaadiyo.