Soomaali ku lumay socdaal Tahriib ah oo la la’yahay afar bilood

Soomaalida tahriibka ku gala Yurub iyagoo isticmaalaya doomaha yaryar, intooda badan waxa ay ka baxaan dalalka Turkiga iyo Libya halkaas oo ay ka galaan Talyaaniga iyo Giriigga.

Bilihii lasoo dhaafay kumannaan tariibayaal ah ayaa ka baxayay dalka Tunisia xilli ay waliba baddu aad u kacsaneynd.

Waxaa jirtay Soomaali aan badneyn oo oo kamida tahriibayaashaas, balse qaarkood haatan la la’yahay halka ay raq iyo ruuxba dhigeen.

Talyaaniga oo ay galeen kumanaan muhaajiriin ah, ayaa xarunta soo galootiga ee jasiiradda Lampedusa ee koonfurta dalka Taliyaanigu buux dhaafisay iyadoo mas’uuliyiintu ay ka shaqeynayaan sidii ay dhul deegaan ah ugu sameyn lahaayeen soo galootiga.

Ilaa 6,800 oo tahriibayaal ah ayaa maalmo gudohood ku galay Talyaanga, kuwaas oo la socday ilaa 120 doonyood oo ka soo baxay Tunisia.

Tahriibayaasha galay Talyaaniga ee kabaxay Tunisia, waxaa ay u badnaayeen muhaajiriin ka kala safray dalalka kale ee Afrika.

Balse ilaa iyo 16 dhallinyaro iyo carruur Soomaali ah oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dadka bishii siddeedaad doomaha raacay ayaan weli wax akhbaar ah laga helin.

Ilhaan Xasan Cali iyo Amina Ciise Axmed, waxa ay kamid yihiin tahriibayaasha weli la yahay isla markaana maqan muddo ku dhow afar bilood.

Waalidiinta labada gabdhood oo kala jooga Muqdisho iyo Burco ayaa BBC-da u sheegay inaysan war ka helin ku dhawaad afa bilood.

“Gabadheyda Ilhaan Xasan Cali, waa curaddeyda, waxa ay markii hore joogi jirtay Nairobi oo cid ayey u shaqey jirtay, waxa ay ahayd gabadha kaliya ee noo shaqeysa, haddana nolol iyo geerikuma hayo,” ayay BBC u sheegtay Xaliimo Axmed Raage oo ah hooyada dhashay Ilhaan.

Ilhaan waxa ay safarkeeda tahriibka ka billowday magaalada Nairobi, waxa ay tagtay dalka Libya,” Sidaas waxaa tiri hooyada labada gabdhood mid kamida.

Safarkeeda tahriibka ayay Ilhaan ka bilowday magaalada nairobi, iyada oo gaartay dalka Libya, halkaas oo ay muddo ugu xirneed magafayaasha. “waxaa madax furashadeeda nalooga qaatay lacag 12000, oo doollar,” ayay tiri hooyadeed Xaliimo.

Hooyo Xaliimo waxa ay sheegtay in xilligaas kadib Ilhaan ay kasoo baxday Libya oo ay sii martay qaar kamida dalalka carabta si ay u gaarto Tunisia oo ay rabtay in ay kaga baxdo safarka halista badan ee haatan lagu la’yahay.

Maadaama qoyska Xaliimo ay yihiin danyar, waxay sheegtay in markii gabadheeda lagu xiray Libya ay qaraabadu lacag aruuriyeen si ay madaxfurashada uga bixiyaan.

Aamina Ciisa oo kamid ahayd kooxdaan dhallinyarada ah ee la la’ yahay auna wada socdeen Ilhaan, ayaa waalidkeed u sheegeen BBC da in walwal badan uu noloshooda soo foodsaaray.

Sida uu BBC u sheegay aabaheed Ciise Axmed oo jooga Burco, waxay naafo ka tahay lugta.

“Waa gabar naafo ah oo ay lugaha biro uga jiraan. Xilligii ay baxayeen ayaa noogu war dambeysay iyada iyo dadkii la socday welina wax war ah ma heyno,” ayuu BBC da u sheegay Ciise.

Wuxuu sheegay in markii ugu dambeysay ay ahayd labdii bishii siddeedaad, “markaasoo ay ii sheegtay in ay raacayaan doon habeenkaas bixi rabtay, dib dambana waan u weynay. BBC-da ayan ka dhageysanay in doon ay degtay isla toddobaadka ay bexeen laakiin waxaan maqalnay in Soomali aysan ku jirin”.

Aabe Ciise waxa uu sheegay in ay u maleynayaan in doontii ay la aaday dhinaca Libya ama ay ku xiranyihiin Tunisia oo lasoo celiyay amaba in ay noqon karto in lagu xiray dhinaca jasiiradda Malta.

Xaliimo ayaa xasuusata hadaladii ugu dambeysay ee ay ku tiri gabadheedu iyada oo taleefanka kala hadleysay, ka hor inta aysan waayin wax dhawaq ah oo dhankeeda ka soo gaara.

“Gabadhayda markii iigudambeysay ee ay isoo wacday, waxa ay igu tiri, ‘Hooyo waan bixi rabnaa ee noosoo duceeya ama waa nolol ama waa geeri qadkana waan ka bixi doonnaa oo markii aan meel nabad ah tago ayaan kusoo wici doonaa’”, ayay BBC u sheegtay Xaliimo.

“Baddu wey kacsaneed maalmaha ay baxayeen, doomihii baxay bishaas, waxaa naloo sheegay in qaarkood la waayay, welina waxaan nahay dad aan ilmoohoodii melena ku sheegin kana samrin”.

Qoysaska lix iyo tobanka dhallinyarada ah ayaa isku dayaya inay iskaashadaan, si ay war uga helaan ubadkooda.

“Waxaan wada xiriirnaa qoysaska ay dadku ka maqanyihiin, meel walba ayaan akhbaar ka raadinnay,” ayay tiri Xaliimo.

Talyaaniga oo la ciir-ciiraya muhaajiriinta faraha badan ee mar qura galay dalkaasi ayaa wada qorshe uu ku dhisayo xeryaha muhaajiriinta ee Albania iyadoo labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiis dalkaasi Albania lagu dejinayo muhaajiriinta xad dhaafka ah ee galaya Talyaaniga.

Horaantii bishan, xukuumadda garabka midig ee ay hoggaamineyso Giorgia Meloni ayaa ku dhawaaqday qorshahan, oo ah dadaalkeedii ugu dambeeyay ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Afrika iyo in la yareeyo cadaadiska xarumaha dalka oo dhan.