Dab damiska Burco oo ilmo yar badbaadiyey

Burco(GNA) Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa maanta soo badbaadiyay Ilmo yar oo hal sano Jira kuna dhacday Suuli ku yaala Gurigooda oo ku yaala xaafada Jarmalka degmada Lixle.
Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samatabixiyaan Suuliga iyadoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco.
Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen.
Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inay markastaba ka warhayaan xaaladaha ay ku suganyihiin caruurta yar yar, laga feejignaado Musqulaha duugoobay.
Hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad soo wacdaa lambarka gurmadka degdega ah ee 990 24 ka saacadood shirkadaha Telesom iyo Somtel.