Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo kulan la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafa Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Maanta kulankiisi u horeeyay la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Kulanka oo Isugu Jirey is barasho iyo is xog-waraysi waxa Goob Joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Aadan Cabdilaahi Cabdulle oo ugu horeyn isagu kulankaasi Furey .
Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hadalka isaga dambeeyay ayaa Wasiirka Cusub kusoo Dhoweeyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ,waxaanay Balan-qaadeen in ay si wanaagsan ula shaqayn Doonaan Wasiirka .
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isna Kulankaas ka hadlay ayaa Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradaba uga mahad-naqay Hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan .
Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalka sii wata waxa uu Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda ku bogaadiyey Hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan ,waxaanu Wasiirku kula dar-daarmay in ay sii laban-laabaan hawlaha Qaranka si Loo Kobciyo Xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay Bulshada Somaliland .