Wasiir Cali-mareexaan oo kormeer iyo kulamo ku sameeyey Waaxyaha W. Warfaafinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa Maanta Kulan la Xidhiidha Dardargalinta Shaqadda La qaatay Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Warfaafinta.
Kullankan oo ay wasiirka ku wehelinayeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ayaa ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta, waxaanay masuuliyiinta waaxyaha ee wasaarada eek a qeyb gashay kuankaasi ay wasiirka uga warbixiyeen waajibaadka shaqo ee ay wasaarad ahaan qaranka u hayaan iyo yoolalka ay higsanayaan.
Gabagbadii kulankaasi ayaa wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu ugu mahad celiayay masuuliyiinta wasaarada ee kulanka kasoo qeyb gashay nisagoo ku booriyay in la laban laabo shaqada wasaaradu qaranka u hayso si loo gaadho ujeedooyinka ay wasaaradu u asaasan tahay.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta md Cali Xasan Maxamed ayaa kulankaasi ka dib kormeer kusoo maray waaxyaha iyo xaafiisyada ay ka koobantay wasaaraddu warfaafintu. halkasoo uu warbixino la xidhiidha shaqada maalinaha ah ee wasaarada kaga dhagaysatay hawlawdeenadii shaqada ku jiray.