Maxay yihiin meydadka dhalinyarada ee laga helay beerta ciidanka Kenya ?

Afar meyd ayaa Axaddii lasoo dhaafay laga helay beer la sheegay in ay leeyihiin ciidamada Kenya, taasi oo ka careysiisay dadka deegaanka.

Afartan dhalinyarada ah ee meydkooda laga helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beer ku dhow xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley, si ay u gurtaan galley ka soo hartay dalaggii dhawaan soo go’ay.

Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan .

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in meydadka qaar ay qabaan dhaawacyo rasaas ah.

Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socad baaritaan arrinta ku saabsan,