Golaha Deegaanka Saylac oo Maayar cusub doortay

Gudoomiyaha gobolka Sellel Mawliid Maxamed Nuur, ayaa goob joog ka ahaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Degaanka ee Degmada Saylac, isla markaana ay ka soo wada xaadireen dhammaan mudanayaasha golaha degaanka degmadaasi.

Mudanayaasha golaha deegaanka Degmada Saylaca ayaa waxa ay maayir u doorteen Maxamuud Cigaal Wacays, sidoo kale waxa ay fadhigaasi aan caadiga ahayn xilkii ka qaaday maayirkii hore Degmada Saylac Yuusuf Cawaale Daahir.

Jawiga fadhigan ayaa ka duwaan fadhiyadii hore, madaama marka ay golayaasha deegaanku dooranayaan Maayir cusub inta badan looga bartay in goobta uu ka dhaco buuq iyo qaylo ay garaba is hayaa ka kiciyaan goobta, balse fadhigan aan caadiga ahayn ayaa ka duwanaa, waxaanu ahaa mid jawi degan ku bilaambay kuna dhammaaday.

Duqa cusub ee loo doortay degmada Saylac Maxamuud Cigaal Wacays, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashadii saaka dhacday ee uu ku guulaystay ay u dhammaayeen dhammaan hay’addaha dowladda ee gobolka Selel, waxaanu xusay in fadhiga aan caadiga ahayn ee lagu doortay ay u ogolaatay wasaaradda arrimaha gudaha JSL.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in doorashadaasi si xor iyo xaalala ay u dhacday, waxaanu u mahadceliyay dhammaan xildhibaanadii u codeeyay.