Koonfur Afrika oo ka codsatay maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay soo xidho Raysal wasaaraha Israa’iil

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu bartamaha bisha Disember.

Wasiirka Madaxtooyada Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegay in haddii ICC aysan sidaan yeelin, ay muujin doonto “guuldarrida guud” ee maamulka caalamiga ah.

“Dunidu iskama joogsan karto oo ma daawan karto,” ayay tidhi.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay is difaacayso wixii ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee ay Xamaas ku qaadeen 1,200 oo qof, in ka badan 200 oo kalena ay qafaasheen.

Waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay yarayso khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah balse Ms Ntshavheni waxa ay sheegtay in dawladda Israa’iil ay isku dayayso in ay “Falastiiniyiinta ka sifayso inta badan Qaza oo ay qabsato”.

Koonfur Afrika, oo ay weheliyaan Bangladesh, Bolivia, Comoros iyo Djibouti, ayaa u gudbiyay maxkamadda ICC si ay u baarto in dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadminimada ee laga geystay Qaza.

Koonfur Afrika ayaa muddo dheer ahayd dal si weyn u taageersan qadiyadda Falastiin.

Dalku wuxuu ku dhawaaqay inuu diblumaasiyiintiisa kala baxayo Israa’iil, wuxuuna soo jeediyay in jagada safiirka Israa’iil ee Pretoria uu noqdo mid “aan sii socon karin”.