Somaliland: Digniin laga bixiyey Daawo Macbal ah

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland,ayaa diginin ka soo saartay noocyo dawooyin been abuur ah oo aan la isticmaali Karin.

Hay’adda Dhawrista Tayada dawada iyo Cuntada ee Somaliland qoraal kooban oo ka soo baxay isla markaana lagaga digayay dawooyinka been abuurka ah ayaa u dhignaa sidan.

“Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients).

Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan.

Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso.

Faahfaahinta daawada:

Generic name: Ibuprofen 400mg tablet

Brand name: EBUFAC

Batch Number: ER0512q.”