Xogta Dambiyadii Somaliland ka dhacay 12 Bilood ee Boolisku qabtay

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa soo bandhigay danbiyadii sannadkan ka dhacay Somaliland.

Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay dambiyadii iyo shilalkii dhacay ee ay ciidamadu diwaangeliyeen sannadkan sii galbanaya, waxaanu sheegay in 28,563 oo dabi ay guud ahaan Somaliland ka dhaceen sannadkan sii dhamaanaya ee 2023.

Sidoo kale Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi waxa uu sheegay in 66 danbi oo dil ahi ay dhaceen, isla markaana ay ku dhinteen 66 qof, iyada oo la qabtay 57 gacan ku dhiigle, 9 kalena lagu raad joogo, dhinaca kale waxa uu xusay in 378 kufsi ay dhaceen sannadkan, waxaa uu intaas raaciyay in ay ku eedaysan yihiin 383 qof, 324 kamid ah ayaa gacanta lagu dhigay, 59 kalena wali waa la raadinayaa.

Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi, waxa uu tilmaamay in Shilalka baabuurta ee dhacay ay yihiin 6,536 shil, iyada oo ay ku dhinteen 198 qof, ayna ku dhaawacmeen 4,890 kale, waxaa uu intaas ku daray in 3782 gaadiid ah ay ku burbureen, waxaana ku dhintay 189 neef oo xoolo ah, iyada oo ay sidookale ku burbureen 104 isugu jira dhismayaal iyo biro.

Tirada caruurta la tuuray ayaa sannadkan dhanayd 13 caruura, oo lix kamid ahi booliisku nolol ku gaadheen, halka 7 kamid ahina ay geeriyoodeen.

58 qof ayaa argagixisonimo loo xidhay, 8 kamid ah ayaa la xukumay, 7 kamid ah ayaana garsuge ah, 2 na baadhistooda ayaa socota, halka lasii daayay 41 kii kale.

Geesta kale Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, waxaa uu sheegay in ay boolisku ka hawlgaleen qaraxyo ka dhacay suuqa Waaheen, agagaarka iskuulka Sheekh Bashiir, iyo guriga Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud waxa uu xusay in Booliisku ay qabteen mukhaadarad badan oo iskugu jira khamri iyo xashiishad, laga keenay dalka Itoobiya, iyada oo loo hayo eedaysanayaal badan iyo baabuur tii lagu siday.

Gaba-gabadii Dambiyada beenoobay waxay ahaayeen 5,812 danbi, danbiyada heshiiska ku dhamaadayna waxay ahaayeen 10,631, inta xukun ku dhacayna waa 10,867, waxa garsugeyaal ah 853 eedaysane, waxaana baadhis ku jir 400.