Somaliland oo digniin u dirtay Qaramada midoobay

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inay saxaan mawqifkooda ku aaddan go’aan kasta oo shaqada ATMIS ku xidhiidhinaya Somaliland”

Hargeysa (GNA)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay deedafaynaysaa hadal kasta oo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku tilmaamayo in shaqada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku jirto Somaliland. Somaliland waa dal madax-banaan, ATMIS-na waligeed ma noqon maamul awood ku leh Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Somaliland marar badan ayey hore ugu sheegtay mowqifkeeda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, imikana xukuumaddu waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay in lagu celiyo, iyadoo la eegayo xaaladihii u dambeeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo khuseeya muddo kordhinta ATMIS ee Soomaaliya, waxaanu rumaysanahay in qaraarkani sidoo kale u muuqan karo mid soo jeedinaya in ATMIS-ka shaqadiisa ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland aad ayay uga walaacsan tahay taladan. AMISOM iyo kuwa bedelaya (ATMIS) ayaa ah howlgal nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Marka la eego qoraalkii ergadii xaqiiqo-raadinta ee AU-da ee sannadkii 2005-tii, waxay si cad u sheegtay in “tan iyo markii lagu dhawaaqay May 18-keedii 1991-kii, ay Somaliland leedahay sifooyinkii dawladnimada casriga ah”. Haddaba, ATMIS-na marna looma igman inay ka hawl-galaan Somaliland, waxaanay dawladda Somaliland marar badan si cad ugu sheegtay arrinkaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku aaddan go’aan kastoo shaqada ATMIS ku xidhiidhinaya Somaliland, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.”