Muxuu yahay Ninka danyarta Dhaca u geystay ee Hargeysa lagu qabtay?

Qaar ka mid ah Hooyooyin uu dhac u gaystay Eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, ina Faadumo Ibraahim 32 jir oo Ciidanku Boolisku gacanta kusoo dhigeen ayaa ka warhixiyay qaabka uu u dhacay Hooyooyinkaasi oo 4-afar ah.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Hawlgallo iyo dedaallo ay sameyeen gacanta kusoo dhigay Eedeysanahan , waxaana degdeg loo horgayn doonaa sharciga..

 

Ayaan Cabdillaahi Nuur, ayaa ciidanka booliska iyo bulshada la wadaagtay qaabkii uu u dhacay eedaysanaha ciidanku soo qabteen.

Waxaaney tidhi. “Tukaanyar ayaan haystaa oo uu ninku iigu yimid, waxa uu igu yidhi Sharaab iga iibi, waan ka iibiyay, wuxuu yidhi ‘lacagtii ayaan iga bixin ee ka eego, waxaan idhi ‘mahayo, waxa uu yidhi ‘baytariga telefoonka ii dhib, ana waxaan u dhiibay telefoonkaygii, kaadhkii ayuu kala baxay oo wuu la tagay in uu sixiroole ahaa iyo in kale magaranayo, maalin kadib ayaan ogaaday in uu kaadhkaygii iga dhacay, waxa uu kala baxay milyen iyo laba boqol iyo sideed iyo konton shilinka Somaliland ah.

Telefoonkayga lacago kale oo 300 dollar ayuu ku dirsaday inantii uu ka dhacayna jiq ayaanu isla noqonay, balse ILLAAHEY ayaa na soo kala furtay, ILLAAHEY ayaanu uga mahadnaqayna in la soo qabtay ninkii, sidoo kale booliska iyagana waanu u mahadcelinayna, gaar ahaan saldhiga Qudhac-dheer”

Dhibane Qadan Muuse Cabdillaahi, ayaa sheegtay in qaab xeeladeysan oo aan dareen badan ku dhalin uu telefoonkeeda gacanta u dhacay, isla markaana markii danbe uga shubtay lacagtii telefoonkeeda ku jirtay oo ay hooyadeed lahayd.

Waxaaney tidhi. “Saanbuuse ayaan meel ku duba carruur agoona ayaan u shaqaysta, Saanbuusaha naga iibso ayaan ku idhi Sigaarna waxba ku tarimaaye, balse gacana telefoonkii ayuu ku qaaday, midna joornaalkii, biinkii telefoonka markiiba wuu helay, shirkadda Telesom oo aan u imid waxa ay ii sheegtay in uu sarifle ku dirsaday, sariflihi waxa uu noo sheegay in uu sawir ka reebay, wuu noo soo diray sidaasi ayuu baraha bulshada iyo booliskaba ku gaadhay, lacagta uu la baxayna waxa lahayd hooyaday oo qof weyna oo sariir saaran, ciidanka booliska ee Saldhiga Qudhacdheer waanu uga mahadcelinaynaa waxa uu la baxay 120 dollar iyo saddex boqol oo kun oo Shilinka Somaliland ah”

“Anigu xaafada Maxamed Mooge ayaan degana, dhibanihi u horeeyay ee telefoonka ka qaato ayaan ahay, lacagtana uu kala baxo, ciidanka booliska waan uga mahadceliya sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen”Ayey tidhi mid ka mida hooyooyinkii uu dhaca ugaystay eedaysane Maxamed Cabdi Faarax.

Gaba-gabadii mid ka mida hooyooyinka afarta ah ee uu dhaca u geystay eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, ayaa sharaxday qaabka uu kaga qaaday Kaadhka telefoonkeedaa.

 

Waxaaney tidhi.“Aniga koob caano ah ayuu iga iibsaday, wuxu yidhi telefoonkaaga ii dhiib aan kaadhka gashade, waan u dhiibay, markiiba waxa uu la baxay Kaadhkii telefoonkayga, waxa uu tagey shirkada 300 dollar ayuu igala baxay, shirkadda ayaan la hadlay ii xayira lacagtaasi ayaan ku idhi waa la ii xayiray, gabadh ayuu ku dirsaday, gabadhii anaga oo madaxa iskula jirna ayaa la soo qabtay, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, ciidanka booliskana waanu uga mahadcelinaynaa sida fiican ee ay uga hawlgaleen”