Komishanka Qaranka iyo Dowladda Ingiriiska oo kawada hadlay Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (GNA) Guddida doorooyinka Qaran ka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dowladda Ingiriiska ayaa iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowgeeda iyo hawlaha guddida doorashooyinka u yaalla.

Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaadday inay gacan ka gaysaneyso doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay sannadka danbe ka qabsoomaan dalka, kadib markii ay kulan wada yeesheen guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo madaxa xafiiska Ingisriiska ee Somaliland Mudane Ilyaas Malek iyo saraakiil kale.

Geesta kale guddida doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin ka siiyay weftiga u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka iyo dhammaystirka xeerka doorashooyinka ee horyaalla golaha wakiillada Somaliland.

Sidoo kale waxa ay kulanka ku gorfeeyeen soo saarista liiska kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha iyo diyaarinta qorsheyaasha iyo miisaaniyadda doorashooyinka.

Kulanka weftiga iyo Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa faahfaahin ka bixiyay isla markaasina war qoraal ah ka soo saaray Komishanka Doorashooyinka qaranka, warbixinta Komishanka ayaa waxay u dhignayd sida tan:-

“Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda waxay maanta(shalay) xafiiskooda ku qaabileen Wefti uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska UK ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Somaliland Md. ‬ Ilyas Malek oo ay wehelinayaan saraakiil kale. Booqashadan oo ujeedkeedu ahaa kulan isbarasho. Kulankaas ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa iyagu na dhinacooda warbixin ka siiyey weftiga hawlaha u diyaargarowga doorashada ee imika socda sida dhamaystirka Sharciga ee Golaha Baarlamaanka, soo-saarista Liistada Kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha, iyo diyaarinta qorshayaasha iyo miisaaniyadda doorashooyinka (Election Timelines & Budget), waxay na weftiga UK ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee hirgalinta doorashooyinka’’.