Dibadbaxyo ka dhacay magaalooyin waaweyn

Magaalada London waxa ka socda dibad-bax balaadhan oo ay boqolaal kun ku dalbanayaan in dawladda Ingiriisku ay taageerto xabbad-joojin ka dhacda Marinka Qasa ee cariga Falastiin, halkaasoo ay weerar ku qaadeen Milateriga Israel, kana socday dagaal muddo 21 maalmooda.

Sidoo kale Magaalad Istanbul ee Dalka Turkey tobanaan kun oo qof, ayaa isugu soo baxay dibad-bax, waxaanay ku taageerayaan dadka reer Falastiin. Madaxweynaha Turkiga Recap Dayib Ordogan ayaa ka qayb galay isu soo baxa.

Madaxweyanaha ayaa cambaareeyey weerarka ay Israel ku gumaadayso Falastiiniyiinta.

Sidoo kale magaalooyin kale oo waaweyn ayaa waxa ka dhacay mudaharaadyo lagu taageeray iska-caabinta Falastiin, lagagana soo horjeedo duqeynta aan loo meel dayinin ee rayidka.

Israel, ayaa xalay weerar dhanka dhulka ah ku qaaday marinka Gaza, halkaasoo ay difaac adag kala kulmeen Kooxda Xamaas.