Turkiga oo farriin cad u diray Israel

Madaxweynaha Turkey Recap Dayib Ordogan, ayaa sheegay inay Israel ka qaadayaan talaabooyin adag oo dhanka milateriga iyo diblomaasiyada ah. Waxa uu intaas ku daray in aanay dawladdiisu urur argagixiso u aqoonsanayn Xamaas, balse ay u aqoonsan yihiin dhaqdhaqaaq muhalgama oo difaacaya Dadka reer Palestin.

Ismaaciil Haniya hogaamiyaha Ururka Xamaas ayaa soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Turkiga, waxaanu sheegay inuu kulan la yeeshay oo uu bogaadiyey go’aanka uu qaatay.

Turkeyga ayaa u muuqda inuu taageero buuxda siinayo Kooxda Xamaas.