๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—Ÿ๐—ถ๐˜… ๐—ค๐—ผ๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜… ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ฟ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ

๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” -(GNA)Guddida wax ka qabashada sicir bararka ee Xukuumadda Somaliland u magacowday ayaa soo saaray lix qoddob oo la xidhiidha wax ka qabashada sicir bararka.

Goโ€™aamadan ayaa la xidhiidha xoojinta isticmaalka shilinka Somaliland iyo fududeynta maalgelinta ganacsiyada yaryar.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay guddida wax ka qabashada sicir bararka, kaas oo soo gaadhay Wargeyska Dawan, waxaanu u dhignaa sidan.

1 Waxa la faraya dhammaan ganacsatada iyo hayโ€™addaha bixiya adeegyada kala duwan sida dugsiyada waxbarashada, jaamacadaha, shirkaddaha korontada, goobaha caafimaadka iyo kuwa iibiya alaabta in ay ku iiibiyaan adeeggooda ama alaabta lacagta Shilinka Somaliland.

2 Waxa la faraya dhammaan Sariflayaasha, ganacsatada kalad duwan iyo shirkadaha bixiya adeegyada la isugu diro ee telefoonada, baananka iyo hayโ€™addaha maaliyadda in ay ku dhaqmaan heerka sarrifka maalinlaha ah ee Baanka Somaliland soo saaro.

3 Waxa la farayaa shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha la isugu diro telefoonada iyo baananka leh nidaamyada elektarooniga (Waafi, Dahab-plus, Pos iyo Premier Wallet IWM, in ay joojiyaan habka iyo hannaanka kasta oo sahlaya in la isu diri karro wax lacag ah oo ka yar 100 dollar.

4 Waxa la faraya baananka gaarka loo leeyahay in ay fududeeyaan maalgelinta ay bixiyaan, si loo furfuro ganasiga iyo shaqo abuurka.

5 Waxa la farayaa dhammaan Baananka gaarka loo leeyahay in ay bulshada u furaan Account-xisaabeedyo ku salaysan lacagta SLSH, waxana ay dhagangalaysa ugu danbayn 25 November 2023, haddii ALLE idmo.

6 Cidkasta oo u hoggaansami wayda goโ€™aamada waxa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.