“𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝗯𝗼𝗴𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘂 𝗵𝗮𝘆𝘀𝗼…”wasiirka Dastuurka

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 -(GNA)Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa bogaadiyay wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa wasaaradda ciyaaraha JSL ku bogaadinay shaqada ay Qaranka u hayso, gaar ahaana arrimaha horumarinta dhalinyarada.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Kulanka dib u eegista Siyaasadda Horumarinta Dhalinyarada.

Kulankaasi oo maanta magaada Hargaysa ka furmay waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.