Muxuu madaxweyne Muuse kala hadlay Agaasimeyaasha guud?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dalka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.

Kulanka Madaxweynaha Qaranku la yeeshay Agaasimeyaasha guud oo is xog-waraysi ayay Agaasimeyaasha guud dhankooda ka war bixiyeen shaqooyinka ay qaranka masuulka uga yihiin.

Waxaanu Madaxweynuhu ku boorriyay in ay shaqada ay dalka iyo dadka u hayaan in ay sii laban laabaan oo ay dedaalkooda kor u qaadaan maadaama ay yihiin mishiinada shaqada ay Xukuumaddu qaranka u hayso cidda dhaqaajinaysa.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland uu la qaatay Agaasimeyaasha guud ee laamaha Dawladda,waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda.