Muxuu yahay Buugga ku saabsan Kobocaha Dhaqaalaha Somaliland ee Hargeysa lagu soo bandhigay?

Waxa magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay buug uu qoray Dr. Cismaan Sheekh Axmed, oo uu kaga hadlaayo istiraatijiyada isbedelka koboca dhaqaale ee shirkaddaha gaarka loo lee yahay.

Munaasibadan lagu soo bandhiggaayey buuggan uu qoray Dr Cismaan Sheekh Axmed waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Gollaha wasiirrada Somaliland, guddoomiyaha Baanka dhexe, xildhibaano, qoraayo, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Buuggan oo sidoo kale ka waramaaya caqabadaha horyaalla dhaqaalaha shirkaddaha gaarka loo lee yahay iyo sidii looga gudbi lahaa,waxa ugu horayn ka hadlay Dr. Cismaan Sheekh Axmed oo ah qoraaga buuggan,waxaanu ka sheekeeyay sidii uu dhaqaalaha Somaliland ku bilaabmay,waxa aanuu tilmaamay in gacmo is qabsi uu dhaqaalaha Somaliland ku unkamay,isaga oo intaas raaciyey in aanay waxba suurto gelayn nabadi haddii aanay jirin.

Wasiirrada wasaaraddaha Hor-u-marinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdilaahi Daahir, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in buuggani noqon karo dhaxal ay ka faa’iidaan dadka reer Somaliland,maddaama uu ku salaysan yahay buuggani cilmi-baadhis aqooneed.