Hargeysa: Saldhig Boolis oo laga sameeyey Xaafad u baahnayd

Xaafadda Calaamadda ee degmada Maxamuud Haybe, ee magaalada Hargeysa ayaa laga furay Rug Boolis oo ku meel gaadha, inta la dhisayo, rugta cusub ee xaafada, taas oo hadda qorshaheedu meel fiican maraayo sida ay sheegeen bulshada xaafadu.

Sarkaal u hadlay ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in hirgelinta Rugtani, ay kala tashadeen bulshada xaafada Calaamadaha, waxaanu bulshada ku booriyay inay la shaqeeyaan, si xaafada looga tirtiro dhallinyarada budhcada ah ee dadka dhacaya.

Qaar ka bulshada xaafada Calaamadaha ayaa sheegay in Rugtani ay ku timid iskaashiga bulsho, waxaanay tilmaameen in loogu tallo galay in lagu xaliyo khilaafaadyada iyo in lagaga baaqsado dhallinyarada dhaca kala duwan u gaysanaya bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa caddeeyay rugta booliska ee laga hirgeliyay xaafada Calaamaduhu ay hoostagi doonto saldhiga booliska ee Qudhac-dheer, waxaanu ku boggaadiyay bulshada xaafada isku tashiga bulsho ee ay ku hirgeliyeen saldhigani, waxaanu intaas ku daray inay garabtaagan yihiin ka wasaaradd arrimo gudeed ahaan.