Mullaxankii Heesta “Hooyooy la’aantaa” oo geeriyooday

W/Q Cumar Seerbiya

Alle ha janneeyo Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) oo geeriyooday , Xasan oo sannadkii 1941 ku dhashay Dhuusamareeb, wuxuu door weyn ka soo qaatay geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957 oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho isla markaana uu ku heesay laxanka qaraamka ah ee Laac ee uu allifay Cabdullaahi Maxamuud Maxamed (Qarshe) laxankaas oo ka mid ahaa heesihii lagu tartami jiray Radio Muqdisho. Ka dibna wuxuu bartay tumista Giitarka ilaa sannadkii 1968 uu hirgalay laxankiisu markii uu laxameeyey heeso ku jiray riwaayaddii “ Talo iyo Tallaabo” ee uu curiyey Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg).

Sidoo kale Xasan wuxuu laxameeyey heeso iyo riwaayado tiro badan sida, Heesta Hooyo, Dhoof oo ku jirtay riwaayaddii hawaalnaado jaceylku ee Maxamed Cali kaariye allifay, Ninna waal ninna waani oo uu Xasan Qawdhan allifay, heesta gurysamo, sida haro-gimgiman iyo heeso kale oo ay ka mid tahay heesta” Ma hayoo mana sugaayo” ee Xasan Aadan qaaday, Sida cinabka beeraha, taariikhdu waa buug, sida haro-gimgiman iyo kuwa kale oo ay ka mid tahay xurmo daran.

Xasan Gareyt oo hooyadii Xaliimo Siyaad Xuurdaab ay u bixisay Xasan Garaad, waa tiirweyn oo fanka Soomaalida door laxaadleh ka soo qaatay, isaga iyo inta la midka ah waxay inaga mudanyihiin ka warhayn, daryeel iyo in markasta lala dareen ahaado.