Somaliland: Saylac waxa leh JSL, waanay”

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dekedda Saylac ay weligeed ahaan doonto Somaliland, isla markaana jawaab ka bixisay warar dekeda Saylac ka soo saartay Itoobiya.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya todobaadkii hore ee la soo dhaafay ayaa ka hadlay doonistooda dekedaha dalalka jaararka, sida Saylac ama Casab.

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in dekedda Saylac weligeed ahaan doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay ayuu Md. Koore ku yidhi, “Saylac Somaliland baa iska leh, wayna ahaan doontaa ilaa weligeed.” Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan.

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya wararka bulshadu isla dhexmarayso ee dekeda Saylac la xidhiidhinaya Itoobiya.